Haddii adiga ama saaxiibkaa aad ku jirtaan guur khasab ah ama aad ka welwelsan tihiin in guur la idinku khasbo, fadlan ogsoonow inaad caawimo heli karto kelidaana aadan ahayn.
Waxaa laga yaabaa in lagu bajiyey ama aadan hubin mustaqbilkaaga, aadna ku jaahwareersan tahay dareenkaaga iyo waajibaadkaaga. Waxaad heli kartaa caawimo adiga oo la xiriiraya mid ka mid ah nambarada boggaan ku yaalla.
Kuma xirna da’daada; wadankaad ka timid; inaad tahay nin ama naag; ama waxa dhaqankaaga ama diintaadu tahay – qofna looma ogolla inuu kugu khasbo inaad samayso guur aadan doonayn.