Waa maxay guurka khasabka ahi?
Haddii aad ku jirto guur khasab ah ama aad ka welwelsan tahay in lagugu khasbo guur khasab ah, fadlan ogsoonow in aad caawimo helli karto kelidaana aadan ahayn. Waxaa laga yaabaa in lagu bajiyo oo aadan hubin mustaqbilkaaga. Waxaa laga yaabaa inaad isku buuqsan tahay xagga dareenkaaga iyo waajibaadka oo aadan hubin talaabada ku xigta oo aad qaadayso. Waxaad la xiriiri kartaa numbarada boggaan ku yaal midkood si aad u hesho caawimo iyo kaalmo.
Guurka khasabka ahi waa marka qof guursado isaga oo si xor ah oo buuxda aan raali uga ahayn. Taas waxaa sababay baa laga yaabaa in aanay fahmin dabeecada iyo saamaynta munaasabada guurka ama waxaa laga yaabaa in la handaday ama la khaaimay, cadaadis shucuureed oo qoyskooda ka timid darteed, cabsigelin in jir ahaan wax la yeello, ama lagu siro guurka qof kale. Haddii qof ka yar yahay 16 sanadood waqtiga guurka, looma arko badanaa inay awoodaan inay si xor ah oo buuxda ay guurka raali uga noqon karaan. Guurka noocaan ah wuxuu yeellan karaa saamayn xun mustaqbilka wuxuuna ka soo horjeeda qaanuunka Australia.
MACLUUMAAD BADAN OO KU SAABSAN QAANUUNKA AUSTRALIA HALKAAN TAABO
Bishii Maarso ee sanadii 2013 qaanuun ayaa dhaqangalay kaas oo ka dhigaya guurka khasabka ah sharci daro Australia gudaheeda. Waa dembi in lagu sababo qof inuu galo guur khasab ah ama uu qayb ka ahaado guurka khasabka ah (haddii aadan ahayn dhibanaha). Sharcigu wuxuu ka mid yahay Qaybta 270 ee Xeerka 1995 ee Dawlada Dhexe oo Dembiga (Division 270 of the Commonwealth Criminal Code Act 1995). Gafkaasi wuxuu keeni karaa ugu badnaan 7da sano oo xarig ah, ama 9 sanadood ficilka gafka aadka u xun, gafkaas oo uu jiro ku khasbida qof guur da’diisu ka yar tahay da’da 18 sanadood ama ku khasbida qof iin leh in la guursado. Haddii qof caawimo qabanqaabada ilma ka yar 18 sanadood in la geeyo dibada si loo guursado, waxaana la xiri karaa ilaa 25 sanadood.
Haddii aad ku jirto guur khasab ah
… ama aad ka welwelsan tahay in lagugu khasbo inaad guursato, fadlan ogsoonow in lagu caawin karo oo aadan kelidaa ahayn. Waxaa laga yaabaa inaad baqayso ama aadan hubin mustaqbilkaaga. Waxaa laga yaabaa inaad isku buuqsan tahay xagga dareenkaaga iyo waajibaadka aadana aqoon wixii la samayn lahaa intaan ka dib. Waxaad la xiriiri kartaa nambarada boggaan ku yaalla midkood si aad u hesho caawimo iyo kaalmo.
WAA MAXAY GUURKA LA QABANQAABIYEY?
Qoysaska qaarkood, guurka waa la qalqaaliyaa. Labada qof waxaaa is-bara xubin qoyska ka tirsan. Qof walbaa wuxuu dooran karaa in ay isguursadaan ama aanay is-guursan reerkuna waxay dhegaystaan waxay rabaan taas oo aan wax dhibaato keenayn. Guurka la qalqaaliyey waa la ogol yahay Australia dadku markay ka weyn yihiin 18 sanadood sababtoo ah labada waxay isguursanayaan keliya labadu iskood isu doortaan inay isguursadaan.
Xataa hadday markii hore isku raaceen, guurka la qalqaaliyey waa isbedeli karaa si uu u noqdo guur khasab ah haddii labada midkood ama dhamaantoodba la handadey, la siray ama la cadaadiyey si qofkaasi guurka u ogolaado. Qofku wuxuu noqon karaa mid dareema caawimaad la’aan in qofkaasi diido arooska. Waqtigaas, ma bixinayaan raalinimo buuxda oo madaxbanaan guurkuna wuxuu noqonayaa mid khasab ah.
RIIX HALKAAN TUSAALE AHAAN GUUR LA QALQAALIYEY
Qof jira 19 sanadood ayaa waxaa qof ehelka ahi baray qof laga yaabo inay isguursadaan waxaana baray xubin ka mid ah qoyska, saaxiib, ama qof saddexaad. Haddii ay go’aansadaan inay yiraahdaan “haa” ama maya guurka, ma soconayso. Haddii ay yiraahdaan ‘haa’ guurka si buuxda oo raalinimo ah, guurku waa soconayaa. Ogolaanshahooda raalinimada ah oo buuxa macneheedu waxa weeye ma jirto cabsi gelin, sirid ama cadaadin iyaga saaran si ay u yiraahdaan waa ogolahay guurka.

AMAANKA TELEFOONKA IYO KUMBUYUUTARKA
Xaqiiji inaad joogto meel nabad ah adiga oo isticmaalaya telefoon ama kumbuyuutar sidaas darteed laguma daba geli karo lagumana raadgoobi karo. Haddii aad ka welwelsan tahay amaan kaaga, waxaad amaahan kartaa saaxiibkaa telefoonkiisa ama waxaad isticmaali kartaa kumbuyuutarka maktabada dadweynaha ama xarunta dadweynaha.
Haddii aad u baahan tahay inaad kaga baxdo website-ka si degdeg ah, riix botonka “exit website” kaas oo ku yaalla geeska kore oo dhinaca midig oo bogga. Taasi toos waxay kuu geynaysaa bogga baarista ee google-ka oo banaan laakiin ma tirtirayo kan qaabilsan wixii la qabtay.